Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Ciidamo la kala dhex dhigay maleeshiyaad Galgaduud ku dagaalamay

Ciidamo la kala dhex dhigay maleeshiyaad Galgaduud ku dagaalamay

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa xiisad colaadeed laga dareemayay degaanka Xananbuure ee Gobolka Galgaduud, halkaasoo dhawaan dagaal geystay qasaare uu ku dhex-maray laba maleeshiyo Beeleed oo isku deegaan ah.
Dowladda Soomaaliya ayaa Maanta degaanka Xananbuure geystay Ciidamo isugu jira  Gorgor , Booliis iyo Nabad sugida Galmudug, iyagoo kala dhex-galay labada maleeshiyo beeleed ee uu dagaalku dhex-maray.
Xildhibaano & Wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tegay degaanka Xananbuure, iyag oo ku guuleystay inay kala qaadaan maleeshiyaadka is hor-fadhiyay, waxaana socda dadaalo kale oo lagu xalinaayo colaad deegaanka Xananbuure.
Wasiirada & Xildhibaannada ka socda dowladda dhexe ayaa kulamo gaar gaar ah la leh Odayaasha & waxgaradka degaankaasi si xal loogu helo colaad beeleeda soo lalaabatay.
Labadii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa degaannada Galmudug kusoo kordhayay colaad beeleedyada iyo weerarada ay fulinayaan Al-Shabaab, iyadoo Madaxda Galmudug lagu eedaynayo inaysan qaadin wax tallaabo ah marka laga reebo howlgallo aan badneyn oo ay sameeyaan Ciidamada dowladda Soomaaliya ee halkaas ku sugan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments