Nicaragua oo xiriirka dibloomaasiyadeed u jartay Taiwan

0
272

Dowladda dalka Nicaragua ayaa lagu soo warramayaa inay joojisay xiriirkii dibloomaasiyadeed ee kala dhexeyay jasiiradda Taiwan.
Tani ayaa tirada dowladaha ee ay Taiwan cilaaqaadka la leedahay ka dhigaysa 14.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dowladda Shiinaha ay cadaadis ku hayso Taiwan oo ay sheeganaysa inay dulkeeda ka mid tahay in kastoo jasiiraddu ay isku aqoonsan tahay jamhuuriyad madax bannaan.
Tallaabada ay qaaday Nicagarua ayaa waxaa lagu xaqiijiyay bayaan ka soo baxay wasaaradeeda arrimaha dibadda ee dalkaasi.
Qoraalka waxaa lagu xusay inay tixgelinayaan siyaasadda la xiriirta in Shiinuhu uu qaran aan la kala qaybin karin yahay.