Raila Odinga oo la filayo inuu maanta shaaciyo musharraxnimadiisa

0
240

Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayaa lagu wadaa inuu maanta shaaciyo in sanadka soo socdo uu markii shanaad u tartami doono xilka madaxtinimo ee dalka iyo in kale.
Waxaa kulanka ka qayb galaya madax kala duwan sida uu sheegay barasaabka ismaamulka Kakamega ahna hoggaamiye ku xigeenka xisbiga ODM Wycliffe Oparanya.
Raila ayaa adeegsanaya hiigsiga mideynta shacabka ee loo yaqaano azimio la umoja isagoo ismaamullada kala duwan ku qabtay kulamo uu kula tashanayay waxgaradka , siyaasiyiinta iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Shalay ayay ahayd markii madaxa xisbiga ANC Musalia Mudavadi uu ka cudur daartay inuu ka qayb galo shirka maanta oo lagu casuumay.
Musalia ayaa sheegay inuu ku mashquulsan yahay arrimo isaga gaar u ah.
Waxaa uu qoraalkiisa barta Facebook-ga ku xusay in Raila uu yahay siyaasi u qalmo inuu tartanka ka qayb galo sidaas awgeedna uu guul u rajeynayo.