Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in aysan aqbaleyn in dib loo dhigo dacwadda...

DHAGEYSO:Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in aysan aqbaleyn in dib loo dhigo dacwadda badda

Xilli dowladda Kenya Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ ka codsatay in markii Afaraad dib loo dhigo dacwadda Badda ee kala dhaxeeysa Soomaaliya ayaa waxaa kasoo horjeestay dalabkaas dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,dhaqanka iyo Dalxiiska dowlada Federaalka Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in Kenya ay u gudbisay Maxkamadda ICJ dalab dib loogu dhigayo kiiska badda ,balse  marnaba aysan aqbaleyn Dowladda Soomaaliya in kiiska badda dib loo dhigo markii Afraad.
Wasiirka Dubbe oo Shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliyeed ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay Maxkamadda ICJ u gudbisay qoraal ay ku cadeyneyso inay diyaar u tahay inay ka qeyb-gasho dacwadda badda, isla markaana aysan aqbaleyn in dib loo digo kiiska badda.
Waxaa uu sheegay in Kenya ay dhowr jeer kiiska Badda codsatay in dib loo dhigo, waxaana uu ku eedeeyay in aysan dooneyn in kiiskaas la qaado aysana dooneyn inay cadaaladda hortagaan.
Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe  waxaa uu ugu baaqay siyaasiyiinta Soomaalida  inay hal meel uga soo wada jeestaan cadowga Soomaaliyeed una diyaar garoobaan difaaca dalkooda Hooyo.

Kiiska dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya u dhaxeeya ayaa xukuumadda Soomaaliya waxaay Maxkamadda ICJ u gudbisay Bishii Sideedaad sanadkii 2014-kii, waxaana ay soo martay heerar kala duwan ayadoo tiro saddex jeer ah dib loo dhigay ka dib markii ay sidaas Codsatay dowladda Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments