Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa madaxii hore ee fulinta ee shirkadda kombiyuutarrada ee Hewlett Packard Margaret C. Whitman u soo xushay inay noqoto danjiraha xukuumadda Washington ku matalaysa dalkani Kenya.
Waxaa la filayaa inay beddesho Eric Kneedler oo xilkan si ku meel gaar ah u sii hayay tan iyo bishii Jannaayo ee sanadkan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in haweeneydan oo ku magacdheer Meg ay tahay bilyaneer si wayn u maalgelisay olilihii uu ku soo baxay Joe Biden.