Golaha ammaanka ee qaramada midoobay oo cambaareeyay xukunkii Aung San Suu Kyi

0
278

Golaha amniga ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ayaa cambaareeyay xukun xarig ah oo ay toddobaadkan maxkamad ku riday Aung San Suu Kyi ,Win Myint iyo xubno kale oo ka tirsanaa xukuumadii rayidka ee uu afgembiyay militariga Myanmar.
Afgembiga ayaa dhacay 1-dii bishii labaad ee sanadkan.
Isniintii ayay ahayd markii maxkamad ku taalla dalka Myanmar ay Suu Kyi ku caddeysay dembi ah inay kicin dadweyne sameysay oo ayna jebisay xeerarka ka dhanka ah cudurka COVID-19 xilligii ay milatarigu talada la wareegayeen.
Ciidamada difaaca ee dalka Myanmar ayaa sheegay in maamulkii haweeneydan uu wax isdaba marino sameeyay doorashooyinkii sanadkii hore.
Hasa ahaate golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa dhaliilay go’aannada maxkamadda.
Waxaa uu goluhu ku baaqay xil isku wareejin dimuqraadi ah.
Xubnaha golahan ayaa dhanka kale carrabka ku adkeeyay baaqoodii ahaa in xabsiyada laga siidaayo dhammaan dadkii la xiray markii milatarigu uu talada ka faramroojinayay maamulkii rayidka ahaa.
Marka la eego dacwadaha loo haysto Aung San Suu Kyi waxay u dhigmaan 100 sano oo xabsi ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here