Maraykanka oo abaaraha Soomaaliya dhaqaale ku caawinaya

0
760

Xilli deegaano badan oo kamid ah dalka Soomaaliya ay kajirto Abaar baahsan oo saameeyn weyn ku yeelatay dad iyo Duunyo ayaa dowladda Mareykanku waxay Soomaaliya ugu deeqday lacag loogu talo galay waxka qabashada Abaaraha wadanka ka jiraa.
Hay’adda Caalamiga ah ee Mareykanka u qaabilsan dhinaca gargaarka ee USAID ayaa shaacisay in Soomaaliya ay ugu deeqday lacag dhan 2 Milyan oo Dollar si loo yareeyo saameynta abaaraha iyo dhacdooyinka naxdin leh ee bulshooyinka la hayb sooco ee kunool deegaano ka mid ah koonfurta Soomaaliya.
Mareykanka ma shaacin goobaha rasmiga ah ee lagu bixinaayo lacagtaas, hayeeshee wuxuu ujeedkoodu yahay sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa waxka qabashada Abaaraha kajira qaar kamid ah Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya.
Hay’ado badan oo Caalami ah ayaa dhankooda horay u bixiyay lacago loogu talo galay waxka qabashada Abaaraha, balse sanadkaan ayaa abaarta waxaay kusoo aaday xilli Soomaaliya ay kujirto waqti doorasho.
Meelo badan oo kamid ah Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa xilligaan kajira Abaar saameysay dad iyo Duunyo, iyada oo dowladda Soomaaliya & maamul Goboleedyada lagu dhaliilay inay ka gaabiyeen doorkooda ku aadan u gurmashada dadka ay saameeysay abaarta.