Orodyahan u dhashay Talyaanigu oo muddo 15-Sano ah gabar kula lahaa xiriir baraha bulshada oo 800,000 oo doolar laga dhacay

0
594

Roberto Cazzaniga, oo ah ciyaaryahan Talyaani ah oo caan ka ah kubbadda laliska, ayaa lacag dhan $800,000 oo doolar ka qaadatay haweeney muddo 15 sano ah, ka dib markii ay iska dhigtay saaxiibtiis oo ay ka wada hadli jireen baraha bulshada, isla markaana isticmaali jirtay sawirrada haweenay caan ah oo dharka xaysiiso una dhalatay dalka Brazil.
Kabtanka kooxda Gioia Del Colle ee naadiga kubbadda laliska ayaa gabadhan waxaa baray oo u soo bandhigtay gabadha ay saaxiibo yihiin taasoo noqotay tii ka dambaysay khiyaanadan aan la rumaysan karin.
Iyada oo Isticmaalaysa magaca khayaaliga ah ee ‘Maya’, haweneydu waxay bilowday inay u dirto sawirada gabadha caanka ah ee xaysiisa dharka. Orodyahanka Talyaaniga ah ayaa isla markiiba ku dhacay oo ka helay iyada oo uu la yeeshay xiriir aad u qaali ah oo 15 sano ah oo dhanka baraha bulshada ah.
Ma cadda sababta Cazzaniga uu 15kii sano ee la soo dhaafay u aqoonsan waayay gabadha qayaamaysay maadama Alessandra Ambrosio ay ka mid tahay dadka ugu caansan marka la eego dadka dharka xayaysiiyo.
In kasta oo ay labadoodu waligood isku arkin shaqsi ahaan inta uu socday xiriirkooda muddada dheer, kaliya waxay ku hadlayeen taleefanka iyo baraha bulshada, Cazzaniga ayaa sida muuqata ku qanacsanaa inuu u diro lacag aad u badan.
Isagoo la hadlayay baarayaasha, Roberto Cazzaniga ayaa sheegay in horaantii xiriirkooda, Maya ay u sheegtay inay qabto xanuun halis ah oo u baahan tahay booqasho joogto ah oo qaali ah isbitaalka.
Waxaa uu ku faraxsanaa inuu dusha saartay dhamaan waxyaabihii ay u baahnayd saaxibtiisa qayaaliga ah, sidoo kalena uu u soo diro hadiyado qaali ah, sida baabuurka qaali ah . Nasiib darro, arrimahan ayaa ku dhamaaday in ugu danbayn uu dhex fariisto daymo.
Mar mar, Orodyahanka oo 42 jir ah ayaa aad ugu riyaaqay saaxiibtiisa baraha bulshada , in uu rumaystay wax kasta oo ay u sheegto. Xitaa wuxuu ogolaaday inuusan arkin sanado badan, halka uu u soo dirayay kumanaan kun oo Yuuro.
“Maalin maalmaha ka mid ah ayuu ku jiray qol mugdi ah. Waxa aan arkay isaga oo ooya, waxa aan waydiiyay waxa hayo waxa uu ii sheegay in uu jacayl ku dhacay balse haweenaydan ay si degdeg ah ugu baahan tahay qaliin dhanka wadnaha ah, mana aadi karto cusbitaalka sababtoo ah way cadhoonaysaa,” ayuu yiri Danillo, oo ah walaalkiisa.
Booliiska ayaa si deg deg ah u daba galay halka lagu keeydiyay lacagta uu Cazzaniga diri jiray sanadihii la soo dhaafay, taasoo noqotay ciwaanka haweeney 50 jir ah oo ku nool Sardinia. Warbaahinta Talyaaniga ayaa soo warisay in haweeneyda sheegtay inay saaxiib la tahay Manuela iyo Maya.