Dowladda Soomaaliya oo midowga Afrika kala hadashay la wareegitaanka amniga dalkeeda

0
294

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalka Soomaaliya Senatar Xasan Xuseen Xaaji ayaa ka qeyb galay kulan ay yeesheen Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika, kaas oo ku qabsoomay Aaladda Fogaan aragga ee (Zoomka).
Kulanka ayaa looga hadlay Qorshaha ay Dowladda Soomaaliya kula wareegi lahayd Amniga Dalkeeda iyo qorshaha bixitaanka AMISOM, sidoo kale sidii Ciidanka xoogga dalka ay u hoggaamin lahaayeen howlgallada ka dhanka ah waxa loogu yeero Argagixisadda.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa tilmaamay in DFS ay dadaal Xoog leh galisay Tababaridda iyo Tayeynta Ciidankeeda, islamarkaana Dowladdu ka go’an tahay xaqiijinta Amniga Guud ee Dalka iyo Dagaalka ka dhanka ah argagixisadda.
Kulankan ayaa daba socday kulamo Midowga Afrika iyo DFS ay ka yeelanayeen Xaaladda Kala Guur Ciidanka oo Qorsheheeda Muddo soo socday, islamarkaana ujeedku uu yahay in Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ay Amniga kala wareegaan Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.