Nin Shiineys ah oo laga mamnuucay maqaayad sababo ah inuu cunto cunis badan yahay

0
491

Nin u dhashay dalka Shiinaha ayaa laga mamnuucay goob lagu cunteeyo oo ku taal magaalada Changsha, kaddib markii uu cuni jiray dhawr kilo oo cuuno iyo hilib ah, taas oo keentay in ganacsiga uu xumaado oo lagu waayo lacag aad u badan.
Mid ka mid ah dadka ka shaqeeya cuntada ee loo yaqaan Kang ayaa u sheegay wariyeyaasha maxalliga ah in laga mamnuucay hoteelka magaalada Changsha sabab ah inuu cuni karo wax ka badan celceliska macaamiisha.
Waxa uu qirtay in uu cunay ilaa 1.5kg oo hilib ah booqashadiisi ugu horeysay ee makhaayadda iyo 3.5kg ilaa 4kg booqashadiisa labaad ka hor inta aan la mamnuucin, laakiin wuxuu u arkaa tallaabadan in lagu takooray caafimaadkiisa awgeed.
“Wax badan ayaan cuni karaa – taasi ma khalad baa?” ayuu yiri Mr. Kang oo la hadlayay weriyayaasha mar uu dhawaan wareysi siinayay, wuxuuna intaa ku daray in uusan waligiis khasaarin wax cunto ah, balse uu wax badan ka cunay.
Markii ay soo wajahday warbaahinta maxaliga ah, milkiilaha goobta ama maqaaxida ayaa xaqiijiyay in Kang laga mamnuucay wax ka cunista hoteelkiisa sababtoo ah wuxuu cunaa cunto aad u badan.
“Mar kasta oo uu halkan yimaado, waxaan luminayaa dhawr boqol oo Yuan,” ayuu yidhi ninku. “Xitaa marka uu cabbo caanaha soyka, wuxuu cabbi karaa 20 ama 30 dhalo’’ ayuu intaasi ku daray.
Sheekada Kang ayaa baraha bulshada ee dalka Shiinaha ku isbuucii hore, iyada oo ay fiirsadeen in ka badan 250 milyan. Inta badan daawadayaasha waxay u muuqdaan inay la safan yihiin Kang, iyagoo ku doodaya in haddii makhaayadda aysan xamili karin rabitaankiisa, ay tahay in albaabada laisugu dhufto.