DHAGEYSO:Rw Rooble “Waa la saxayaa khaladaadka ka jira doorashooyinka”

0
432

Ra’iisul Wasaaraha dalka Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble ayaa sheegay in uu garowsan yahay muhiimadda ay leedahay in ay qabsoonto doorasho hufan oo xalaal ah laguna wada kalsoonaan karo, si nabad ahna ku dhacda.
Xilli uu Maanta shir looga hadlayo arrimaha kala guurka ka furay Muqdisho ayuu sheegay in ay ka go’an tahay in ay saxaan wixii khaladaad ah ee jira sarana u qaadaan hufnaanta iyo habsami u socodka doorashada.
Rw Rooble ayaa sheegay in wadatashiyada ay sameeynayaan uu rajeeynayaan inay uga soo baxaan halka uu marayo hannaanka geedi socodka dalka iyo Arrimaha doorashooyinka.

Warkaan kasoo yeeray Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kusoo aadaya xilli inta badan siyaasiyiinta mucaaradka iyo Xubnaha Midowga Musharrixiinta ay cabasho ka muujinayeen hannaanka ay ku socoto doorashada Golaha Shacabka.