DHAGEYSO:Dowladda Soomaaliya oo adkaynaysa in shirka wadatashigu ka dhaco magaalada Garoowe

0
591

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa weli ay ku adkeysaneysaa in Shirka wadatashiga doorashooyinka ee uu ku baaqay Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo lagu qabanayo Magaalada Garoowe, xilli Maamulada Puntland, Jubbaland, Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Midowga Musharixiinta oo dhamaantooda inta badan ka soo horjeesta Soo jeedimada Dowladda ay dalbadeen in shirka lagu qabto Magaalada muqdisho.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,dhanqanka iyo Dalxiiska dowladda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in baaqa Madaxweynaha uu tusaalo u yahay in lagu sii ambaqaado sidii dalka ay doorasho uga dhici laheyd laguna dhameystiro heshiiskii doorasho ee la wada gaaray 17kii Bishii Setember ee Sanadkii hore.
Waxaa uu Wasiirku sheegay inay soo baxayeen hadalo ku aadan in la beddelo Goobta uu dalbaday madaxweynaha in Shirka lagu qabto, waxaana uu sheegay in dowladda Federaalka ay ka go’an tahay in shirka la qabto xilligii lagu balamay ayadoo lagu qabanayo Magaalada Garoowe oo madaxweynuhu Iclaamiyay.
Wasiir Dubbe waxa uu Hoosta ka Xariiqay in weli dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in la qabto shirar dambe oo looga hadlayo arimaha doorashoyinka dalka Soomaaliya, hayeeshee hadallada soo baxaya ay u muuqdaan in lixdii Bilood ee la soo dhaafay sidii loo hor-taagnaa arrimaha doorashooyinka ee weli la doonayo in loo joojiyo ama loo xagal daaciyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here