Maxkamad ku taalla dalka Myanmar ayaa afar sano oo xabsi ah ku xukuntay haweeneydii wadankaas hoggaaminaysay ee xukunka laga tuuray ee Aung San Suu Kyi, sida laga soo xigtay warbaahinta dalkaasi.
Afhayeen u hadlay dowladda oo lagu magacaabo Zaw Min Tun ayaa saaka u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in Aung San Suu Kyi lagu xukumay labo sano oo xarig ee kicin dadweyne halka labada sano kale ay ku mutaysatay ku xadgudubka xeerarka COVID-19 ee wadankaasi.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in madaxwaynihii hore dalkaasi Win Myint asna lagu xukumay afar sano oo xabsi ah.
Aung San Suu Kyi oo la xiray 1-dii bishii Labaad ee sanadkan, ka dib markii militariga dalkaasi uu qaab afgembi ah talada kula wareegay, ayaa iska fogeysay dhammaan eedeymaha loo soo jeediyay.
Waxaa sidoo kale eedeymaha loo soo jeediyay haweeneydan ka mid ah, in ay jebisay xeerarka u degsan soo dejinta iyo dhoofinta badeecooyinka.
Ma cadda xilliga rasmiga ee xabsiga la dhigi doono.