Soomaaliya oo AMISOM kala hadashay qorshaha ay amniga kula wareegayso

0
422

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda federaalka Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qaabilay Taliyaha Ciidamada AMISOM, Janaraal Diomede Ndegeya.
Waxay labada mas’uul ka wada hadleen waajibaadka shaqo ee ciidamada AMISOM.
Intii uu kulanku socday waxaa diiradda lagu saaray sidii loo hirgelin lahaa qorshaha ay dowladda Soomaaliya kula wareegayso sugidda amnigeeda qaran.
Qorshaha kala-guurka ayaa ah mid ku saleysan heshiisyadii hore loo gaarey iyo waaqica hadda jira, maadaama waajibaadka shaqo ee ciidamada midowga Afrika ee howlaha nabad sugidda u jooga dalka Soomaaliya ee AMISOM uu ku egyahay bishan Diseembar.
Sidoo kale, wasiirka iyo taliyaha ayaa ka wada hadlay qaabka ay isula falgeli lahaayeen ciidammada xoogga dalka Soomaaliyeeed iyo kuwa AMISOM iyada oo mar walba mas’uuliyadda jihaynta ay leeyihiin Soomaalidu.