Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxay sheegayaan in maamulka Puntland ay Ciidamo farabadan geeyeen waddooyinka Magaalada Boosaaso, iyadoo dhanka kalena aan weli xal laga gaarin xiisadda ka dhalatay xilka qaadistii Agaasimaha Hay’adda PSF.
Goobjoogayaal ayaa waxay warbaahinta Gudaha u sheegeen in Ciidamada ammaanka inta badan waddooyinka muhiimka ah la dhigay, isla markaana baaritaano ay ku samaynayeen gaadiidka iyo dadweynaha aagaas ku sugan.
Ciidamadaan Maamulka Puntland uu geeyay waddooyinka magaalada Boosaaso ayay wararku sheegayaan inay howlagada ay wadaan saameyn ku yeesheen isku socodka dadka iyo Gaadiidka walow aysan jirin waddooyin ay xireen balse kaliya ay wadaan baaritaano.
Qaar kamid ah Bulshada Magaalada Boosaaso ayaa waxaay sheegeen in maalmihii la soo dhaafay ay cabsi dareemeen balse haatan xaaladda Magaalada ay tahay mid degan oo dadku si caadi ah u Shaqeeysanayaan.
Odayaasha Dhaqanka Magaalada Boosaaso ayaa waday dadaalo xal raadin ah balse weli ma jiraan wada-hadallo rasmi ah oo dhexmaray Saraakiisha Ciidamada PSF-ta Puntland iyo Xukuumadda Madaxweynaha Saciid Cabdullaahi Deni ee khilaafku ka dhex jiro.