DHAGEYSO:Wasaaradda amniga Soomaaliya oo sheegtay inay sugayso ammaanka waddooyinka Muqdisho laga soo gala

0
268

Wasiirka Wasaaradda Amniga dowladda Soomaaliya Cabdullaahi Maxamad Nuur ayaa sheegay inay diyaariyeen in ka badan 20 Hay’adood oo loogu talo galay inay ka hortagaan dambiyada la xiriira socdaalka ee Soomaaliya.
Wuxuu intaasi ku daraya in Hay’adahaan ay ka hortaggi karaan waxyaabo keeni karo amni darro sida Maandoriyaha Khamriga, badeecooyinka aan sharciga aheyn & waxyaabo kale in la soo geliyo gudaha magaaladaasi.
Wasiirka ayaa ku adkeeyay Hay’adahaan oo ka kooban Guddi arrimaha ammaanka dalka ka shaqaynaya inay kordhiyaan kulamada looga tashanayo adkeynta irdaha laga soo galo Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyo in lagu ballaariyo guud ahaan irdaha laga soo galo dalka Soomaaliya maadaama baahi badan loo qabo sugidda ammaanka wadanka iyo ka hortagida waxyaabaha ammaanka khalkhal gelin kara.
Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Amniga dowladda Soomaaliya Cabdullaahi Maxamad Nuur ayaa sheegay in Guddigaan inta ay Shaqeeynayeen dhowr fal dambiyeed oo dalka ka dhici lahaa ka hortageen ,sidoo kalena ay jiri karaan kuwo aysan ku guuleysan oo u baahan in laga hortaggo kuwa kale ee dhici kara.

Hadalkaan ayaa Wasiirka Wasaaradda Amniga Soomaaliya wuxuu ka sheegay xilli Maanta Muqdisho uu ka furay tababar ku saabsan ka hortagga dambiyada socdaalka.
Dhanka kale Agaasimaha Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha dowladda Soomaaliya ayaa ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay ka hortagga dambiyada socdaalka.