SAWIRRO:Soomaaliland oo burburisay guryo ay dad daganaayeen

0
273

Wararka ka imaanaya jamhuuriyadda iskeed madaxa bannaanida ugu dhawaaqday ee Soomaaliland ayaa waxay sheegayaan in Dowladda Hoose ee Magaalada Berbera ay saaka waabarigii hore Cagaf Cagaf gelisay qeybo ka mid ah Guryo ay deganaayeen dad rayid ah oo ku yaala Xaafadda Xero-aboo ee Magaalada Berbera.
Qof kamid ah dadka Magaalada Berbera ayaa warbaahinta u sheegay in Saaka Salaadii hore Dowladda Hoose ee magaaladaasi ay bilowday duminta guryaha xaafadda xero-aboo iyadoo la arkayay dumar iyo Carruur dhooban laamiga dhiniciisa kuwaasoo ah dadkii guryahooda la dumiyey
Dadka guryoodi la dumiyey ayaa la sheegay in saaka cagafta uun la galiyey guryahooda ayadoo aay wax digniin ah la siin ayna ku mashquulsan yihiin sidii ay Carruurtooda halkaasi uga saari lahayeen.
Xoghayaha dowladda Hoose ee Magaalada Berbera oo goobjoog ka ahaa howlgalka burburinta ayaa sheegay inuu dib ka faahfahfaahin doono sababaha keentay in la burburiyo Guryaha ay deganaayeen dadka rayidka ah ee magaalada Berbera.