Ra’iisul wasaare Rooble oo la kulmay Cumar C/rashiid

0
268

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble ayaa Hooygiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, oo maalmo ka hor gaaray Magaaladaasi.
Kulanka oo uu ku wehlinayay Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya Cabdiraxmaan Ceynte ayaa waxay isweydaarsadeen aragti ku saabsan xaaladda guud ee wadankaasi, iyagoo si gaar diiradda u saaray arrimaha doorashooyinka.
Mas’uuliyiintaan ayaa hoosta ka wada xarriiqeen ahmiyadda ay leedhahay in hannaanka doorashadu noqdo mid u cuntama saamileyda siyaasadda oo dhan ayuu yiri” Cabdiraxmaan Ceynte oo kulanka qayb ka ahaa.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa uga mahad celiyay Rw Roobe dadaalkiisa ku aadan doorashooyinka.
Waxaa uu ugu baaqay in doorashooyinka noqdaan kuwo daahfuran.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamad Xuseen Rooble ayaa horay ula kulmay saamileyda siyaasadeed ee dalkaasi, kuwaas oo walaac ka muujiyay sida ay ku socdaan doorashooyinka Golaha Shacabka.