Qaar kamid ah Ehellada Sakariye Maxamuud Xuseen iyo Sowdo Maxamuud Xuseen oo ahaa walaalo wada dhashay oo xalay Ciidamo la sheegay inay ka tirsanaayeen dowladda ku dileen magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aan la Aasi doonin meydadkooda ilaa Cadaalad loo helo dilkooda.
Cabdirashiir Maxamuud Xuseen oo la dhashay Wiilka & Gabadha la dilay ayaa sheegay inay go’aan ku gaareen in aan la Aasin meydadka ilaa la keeno dadkii dilay.
Waxaa uu ka codsaday laamaha Amniga & Maamulka Gobolka Banaadir inay kala Shaqeeyaan sidii ay cadaalad u heli lahaayeen Walaalihiis oo si xaqdarro ah lagu dilay.
Qaar kamid ah Ehellada Sakariya iyo Samiira oo iyagana sheegay inay ku dhacday arrin naxdin leh, islamarkaana wakhti badan ay ku bixin doonaan sidii dadkooda ay cadaalad ugu heli lahaayeen.
Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa mararka qaar markii ay waddooyinku ka xirmaan waxaay ku furtaan rasaas farabadan taasoo sababta inay dhimasho iyo dhaawac ku noqdaan dadka Shacab ah ee waddooyinkaas maraya, islamarkaana aan waxbo galabsan.