Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay dhallinyaradii xalay Muqdisho lagu dilay

0
345

Wasiirka Wasaaradda Cadaallada dowladda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamad Nuur Jaamac ayaa Shacabka Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan ehelladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen Sakariye Maxamuud Xuseen iyo Sowdo Maxamuud Xuseen uga tacsiyadeeyay geeridooda, kuwaasoo xalay gacan ka xaq daran ku dishay magaalada Muqdisho.
Warka ka soo baxay wasiirka cadaaladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Falka foosha xun markuu dhacay ay la xiriireen hay’adaha amniga ee baarista iyo ka daba tagista fal dembiyeedyada ku shaqada leh ee ay ugu horreeyaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, sidoo kalena ay la hadleen qaar ka mid ah ehelladii dhibtu gaartay, Ciidamada amaankana ay u xaqiijiyeen inay baarista dhacdadaan la xiririta ay socoto lana daba joogo falkaan cidii gaysatay.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Shacabka Soomaaliyeed uu u ballanqaadayo, iyadoo loo maraayo hannaanka Cadaalad u raadinta dhibaneyaasha in la hor keeni doono Cadaaladda cid alaale cidii falkaan foosha xun gaysatay.
Dad badan ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay dilka Sakariye iyo Sowdo oo walaalo ah, iyadoo Ehelladooda ay Maanta ka dalbadeen dowladda Soomaaliya inay cadaalad u helaan dilkaas.