Dowladda oo waax gaar ah u sameeysay dhaqan gelinta manhajka cusub ee waxbarashada

0
693

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa soo dhisay waax dowladeed oo hoos tagaysa wasaaradda tacliinta oo si gaar ah uga shaqeyn doonto dhaqan gelinta isbeddellada la xiriira manhajka tacliinta ee Kenya.
Nidaamkan oo loo yaqaano CBC ayaa ardayda ka dhisaya aqoonta ay u leeyihiin maadooyinka kala duwan.
Waaxdan ayaa shaqooyinka ay qaban doonto waxaa ka mid ah in hannaanka CBC si dhameystiran loogu daro waxbarashada wadanka iyadoo la eegaya soo jeedinno ka yimid guddi arrinkan loo saaray.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta oo ka qayb galay munaasabad lagu soo bandhigay warbixinta guddiga oo ka dhacday xarunta KICC ayaa sheegay in nidaamkan cusub ee waxbarashada uu xallin doono dulduleelka dhanka aqoonta ee jiro.
Shacabka iyo saamileyda arrimaha tacliinta ayuu ka codsaday in ay taageeraan geeddisocodka lagu beddelayo manhajka waxbarasho.
Madaxweynaha ayaa dhanka kale ammaanay warbixinta guddiga ay hoggaamiso Prof. Fatuma Chege oo uu xusay in qodobbada lagu soo jeediyay ay yihiin kuwo fududeynaya howlaha waxbarashada.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay in ardayda wax ku dhigta nidaamka cusub ee CBC ay noqonayaan kuwo hal-abuur leh oo xal fikir ku saleysan u helo dhibaatooyinka kala duwan ee soo foodsaaro.
Nidaamka waxbarashada ee 8-4-4 ee lagu beddelayo midkan cusub ayaa lagu dhaliilay inuu xambaarsan yahay maadooyin badan oo ay ardayda culeys kala kulmaan.
Wasaaradda tacliinta ayaa sheegtay in ay xal u raadinayso dhaqanka ah in ardaygu uu diiradda saaro sidii uu imtixaanka qaran ugu guulaysan lahaa isagoo aan lahayn wax soo saar ku dhisan aqoonta uu leeyahay.