DHAGEYSO:Wiil iyo gabadh walaalo ah oo Muqdisho lagu dilay

0
322

Ciidamo la sheegay inay saarnaayeen gaari cabdi bille ah ayaa waxay xalay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ku dileen wiil iyo gabadh walaalo ahaa.
Saki Maxamuud Xuseen iyo Samiira Maxamuud Xuseen ayaa xalay lagu dilay magaalada Muqdisho ka dib markii sida la sheegay in adeeg banaanka ugu dooneen gabadh kale oo walaashood ah taasoo foolanaysay.
Mooto bajaaj ay dhallinyaradani saarnaayeen ayaa la sheegay in rasaas lagu furay xilli ay marayeen agagaarka isgoyska dabka ee magaalada Muqdisho oo ay saxmad badan ka jirtay.
Dhallinyaradaan walaalaha ah ee xalay Muqdisho lagu dilay ayaa da’doodu lagu sheegay inuu wiilka 24 sano jir ahaa halka inantuna ay 22 sano jir ahayd, waxayna rasaastu labadoodaba kaga dhacday dhanka madaxa.
Wiilka ayaa la sheegay inuu isla goobta ku geeriyooday halka gabadhuna ay isbitaalka ku geeriyooday hal saac ka dib markii ay xabaddu ku dhacday.
Dadka ka ag dhawaa halka ay mashaqadu ka dhacday ayaa sheegay in askar saarnaa gaari cabdi bille ah oo ilaalo ka hayay gaari kale oo ka mid ah kuwa aysan xabadu karin ay fureen rasaas lagu sheegay inay u muuqatay mid ay wadada ku furanayaan balse ay haleeshay mootadii ay labadaan dhallinyarada oo walaalaha ah saarnaayeen halkaasi ay ku geeriyoodeen.
Mid ka mid ah ehellada dhallinyarada la dilay ayaa warbaahinta gudaha Soomaaliya la hadashay, waxayna sheegtay inay rumaysan yihiin in carruurtooda si bareer ah loo dilay ayadoo rajo xumo ka muujisay inay cadaalad u heli doonaan dhibaatada ku dhacday maadaama sida ay sheegtay dad ayaga ka horreeyay aysan wax cadaalad ah helin.