Dalladda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA ayaa waxay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan Tababar ku saabsan badqabka wariyaha iyo tabinta wararka Doorashooyinka uga furtay 25 Suxufi oo ka kala yimid degmooyinka maamulka Hirshabeelle.
Tababarka ayaa socon donna muddo saddex maalin ah waxaana faahfaahin ka bixiyay muhiimadiisa Xoghayaha guud ee dalada warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA iyo madaxa tababarada SOMA Axmed Ciise Guutaalle ayadoo wariyeyaashii tababarkaan ka qaybgalay kula dardaarmay inay taxadar dheeraad ah muujiyaan xiliyada aya trabinayaan wararka doorashada.




