Iran iyo quwadaha adduunka oo isku dayaya inay dib u soo celiyaan heshiiskii 2015-kii

0
271

Dowladda Iiraan ayaa wadahadal la billowday dalalka reer galbeedka ee caalamka ugu horreeya si dib loogu soo nooleeyo heshiiskii ay wadDamadan wada galeen sanadkii 2015-kii oo dowladda Maraykanka isaga baxday saddex sano ka hor.
Wakiillada ka kala socda dalalka Iiraan, Shiinaha, Faransiiska , Jarmalka , Ruushka iyo ingiriiska ayaa shalay ku kulmay magaalada Vienna ee caasimadda dalka Austria.
Farriimaha ugu horreeya ee ka soo baxa ayaa wakiillada Maraykanka loo gudbin doonaa iyadoo dowladda Iiraan ay diiday inay qabato wadahadal toos ah maadaama uusan Maraykanka heshiiska qayb ka ahayn.
Inta lagu guda jiro maalinka koobaad ee wada hadallada ayaa la filayaa in ka qayb galayaashu ku heshiiyaan qorshaha guud ee mustaqbalka wada xaajoodka kaasoo sahlaya sii anba qaadidda lix wareeg oo wadahadallo ah kuwaasoo hakad galay bishii Lixaad oo dowladda cusub ee Iiraan ay xukunka la wareegaysay.
Kulamo dhowr ah oo aan rasmi ahayn uuna ku jiray kulan saddex geesood ah oo u dhexeeyay Iiraan,Shinaha iyo Ruushka kulan kale oo u dhexeeyay wakiilka sare ee wada xaajoodka Iiraan iyo kan Midowga Yurub ayaa Axadii la qabtay si la iskula meel dhigo qodobbada ugu muhiimsan wada xaajoodka.
Haddii lagu guulaysto wadahadallada Maraykanka ayaa qaadi doono hal dhinac oo ka mid ah cunaqabataynta uu Iiraan saaray waxaana dib loo dhigi doonaa barnaamijka nukliyeerka xukuumadda Tehraan balse kala duwanaanshaha mowqifyada labada dal ee ku wajahan wada xaajoodka ayaa shaki badan galinaysa suurtagalinimada guusha waxayna sababi kartaa inay wada hadalladu sii dheeraadaan.
Balse wakiilka sare ee Ruushka ayaa rajo wanaagsan kulanka ka muujiyay maadaama aysan jirin waxkale oo heshiiskii lagu soo noolayn karo inkastoo uu sheegay inay caqabado jiraan.
IIraan ayaa horay u sheegtay inay tahay in Maraykanka aqbalo mas’uuliyadda ka noqoshada dhammaan cunaqabataynta la saaray tan iyo 2018-kii islamarkaana uu ballanqaado inuusan markale dib uga laaban doonin heshiisyada iyo ballan qaadyada kale.
Kooxda wada xaajoodka Iiraan ee Vienna ku sugan ayaa u badan shakhsiyaad leh khibrad dhaqaale taasoo muujinaysa in Iiraan ay wada hadallada diirradda ku saarayso in la qaado cunaqabataynta uu Maraykanka saaray walow Maraynkan ku horay u sheegay inuu diyaar u yahay inuu qaado xayiraadda aan hubka nukliyeerka la xiriirin.
Labada dhinac ayaa marar badan su’aal ka keenay sida ay uga go’an tahay midba midka kale ka mira dhalinta wada xaajoodkaan.
Wakiilka sare ee Iiraan ayaa sheegay inay Maraykanka waajib ku tahay inay xaqiiqada aqbalaan oo ay magaalada Vienna yimaadaan iyadoo ujeedadu tahay in cunaqabateynta laga qaado.