Muxuu kusoo idlaaday kulankii ay maanta yeesheen rw Rooble iyo midowga musharraxiinta?

0
363

Kulan ay maanta isugu yimaadeen Ra’iisul Wasaaraha XFS iyo Xubnaha Midowga Musharraxiinta ayaa waxa ay uga wada hadleen arrimaha doorashooyinka dalka Soomaaliya.
Midowga Musharraxiinta ayaa walaac wayn ka muujiyay daahfurnaan la’aanta ka jirta doorashooyinka dalkaasi ka soconaya iyo sida aynan raali uga noqon karin habka ay iminka wax u socdaan.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Madaxda Musharraxiinta uga warbixiyay dadaalkiisa joogtada ah ee la xariira xaqiijinta hufnaanta doorashada waxa uuna la wadaagay inuu faray Guddiyada doorashada in ay waajiboodkooda u gutaan si waafaqsan habraacyadii lagu hishiiyay ee doorashooyinka.
Ra’iisul Wasaaraha isaga oo tixgalinaya tabashooyinka la xiriira daahfurnaanta doorashooyinka ee ay muujiyeen Midowga Musharaxiinta ,dareenka shacabka Soomaaliyeed iyo Bulshada Caalamka ayaa waxa uu ballan qaaday in Gollaha Wadatashiga Qaranka uu yeelan doono kulan ku saabsan sidii si wadajir ah looga shaqeyn lahaa in doorashooyinka dalku ay u dhacaan si hufan loona saxi lahaa qaladaadka jira.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Guddiyada Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed iyo heer Federaal uu u qabanayo sidoo kale shir foogaan arag ah kaas oo lagaga hadlaayo daahfurnaata doorashada isaga oo caddeeyay in lala xisabtamaayo cid kasta oo ku xadgudubta hufnaanta doorashada.