Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Hoggaamiyaasha maamullada Puntland iyo Jubbaland oo dalbaday in Muqdisho lagu qabto shirka...

Hoggaamiyaasha maamullada Puntland iyo Jubbaland oo dalbaday in Muqdisho lagu qabto shirka uu MD Farmaajo ku baaqay

Iyadoo xalay Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Farmaajo uu shir isugu yeeray Madaxda dhexe,Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, ayaa Hogaamiyeyaash Maamulada Puntland iyo Jubbaland waxaay dalbadenen in shirkaasi lagu qabto Magalada Muqdisho.
Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Maamul Puntland ayaa waxaa lagu sheegay inuusan Madaxweynuhu Puntland kala tashan shirka uu ku baqay inuu Garowe ka dhaco, sidaas daraadeedna ay dalbanayaan in lagu qabto Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Dhawaan ayay aheyd markii Madaxda dowladda, Maamul Goboleedyada & gobolka Banaadir ay shir ku yeesheen Magaalada Dhuusamareeb, shirkaas oo ugu dambeyn wax natiijo ah aysan kasoo bixin.
Dhanka kale Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay inay fududaynayso shirka uu madaxweynuhu ku baaqay ee lagu qabanayo magaalada Garowe.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyey Shirka Wadatashiga Arrimaha Doorashooyinka ee dhacaya 15-ka bishan magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumaddu ay dadaal mug leh ku bixinayso fududeynta shirkaan iyo sidii loo dardar gelin lahaa fulinta Heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 ee hagayay hannaanka doorashooyinka dalka, ayna meel mariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa tilmaamay doorka wax-ku-oolka ah ee ay qaadaneyso Xukuumadda uu hoggaaminayo, kaasoo ku saleysan isu-soo dhaweynta aragtiyaha kala duwan ee fulinta Heshiiska Doorashooyinka ee horey loo ansixiyey iyo sidii loogu midoobi lahaa marxaladdan muhiimka u ah geeddi socodka siyaasadeed ee dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments