Kuraas golaha shacabka ka mid ah oo dorashadoodu maanta dhacayso

0
261

Waxaa lagu wadaa in Maanta Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay lagu qabto doorashada Afar kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Soomaaliya oo uu kujiro kursiga la sheegay in laga hor-istaagay inuu u tartamo guddoomiyihii hore ee Golaha baarlaamka ee dalkaasi Maxamad Cismaan Jawaari.
Guddiga maamulka doorashada Koonfur galbeed SEIT ayaa ku adkeystay inay Maanta qabanayaan doorashada Afarta kursi xilli guddiga doorashooyinka Heer federaal ay dalbadeen in la hakiyo doorashada kursiga HOP-103 oo Afartii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyay Maxamad Cismaan Jawaari guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliya.
Kuraasta doorashadooda Maanta magaalada Baydhabo lagu qabanayo ayaa waxay kala yihiin, HOP189 oo uu horay ugu fadhiyay Sheekh Aadan Madoobe, HOP-103 oo Afartii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyay guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamad Cismaan Jawaari, Kurisga uu Idiris Cabdi Dhaqtar & kursiga HOP042 oo ay horay ugu fadhiday Hani Maxamed Aadan.
Shalay waxaa Magaalada Baydhabo lagu qabtay doorashada Saddex kamid ah kuraasta Golaha Shacabka, waxaana sidoo kale la filayaa in Maalinta berri ah isla Magaalada Baydhabo lagu qabto kuraas kale oo ka tirsan Golaha Shacabka.