Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Madaxweynaha Soomaaliya oo ku baaqay in shir la isugu yimaado Garoowe

Madaxweynaha Soomaaliya oo ku baaqay in shir la isugu yimaado Garoowe

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo, ayaa madaxda dowlad goboleedyada ugu baaqay in 15-ka bishaan shir la isugu yimaado magaalada Garoowe ee maamul goboleedka Puntland.
Shirkaan ayaa la sheegay in uu dhammaystir u noqonayo heshiiskii doorashooyinka ee 17-kii bishii Sagaalaad ee sanakii hore ee 2020-ka lagu gaaray magaalada Muqdisho.
Goor sii horraysayna waxaa madaxtooyada Villa Somalia kulan ku yeeshay maxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka, si ay uga arrin sadaan doorashooyinka dalka Soomaaliya.
Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya, kuwa maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa dhawaan shir maalmo socday ku yeeshay magaalada Dhuusamareeb, hayeeshee waa fashilmay, iyadoona la isku mari waayay.
Shirkaan ayaa waxaa uu kusoo aadaya, iyadoo shalay uu dhammaaday muddo xileedka dastuuriga ee madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana qabashada shirka madaxweynaha cadaadis ku saartay beesha caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments