Dhaqdhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo oo ka socda Boosaaso

0
317

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo uu halkaa ka taagan yahay, iyadoo ay wadaan Ciidamada PSf-ta iyo Ciidamo kale duwan oo isugu jira Boolis iyo Militari kuwaas oo taageersan Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.
Dowlad Goboleedka Puntland ayaa saacaddihii lasoo dhaafay Boosaaso geysay boqolaal askari oo kala yimid magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo, waxaana maamulka ay wacad ku mareen in ay soo celin doonaan xasiloonidii magaaladaasi, islamarkaana dhaqan gelinayaan xilka qaadistii agaasimihii PSF-ta oo iska diiday Amarka Madaxweyne Deni.
Cabsi badan ayay dareemayaan dad ku sugan magaalada Boosaaso, waxaana ay sheegeen in magaalada ay buux dhaafiyeen ciidamo kala taageersan labada dhinac.
Hay’adda PSF-ta ayaa shalay mar kale ku celisay in aysan aqoonsanayn xilka qaadistii Madaxweyne Siciid Deni ku sameeyay Agaasimahoodi Maxamuud Cismaan Cabdullaahi Diyaano.
Sidoo kale, Shalay ayay ahayd markii shir jaraa’id ay qabteen saraakiil ka tirsan PSF iyagoo sheegay in aysan waxba iska beddelin mowqifkii hay’addu kaga hortimid xilka qaadistii uu sameeyay Madaxweynaha maamulka Puntland.
Puntland ayaa cabsi wayn ka qabta in ciidankaasi ay qalqal galiyaan Amniga doorashada golaha Shacabka oo lagu wado in lagu qabto Magaalada Boosaaso kuraas ka mid ah.