Weerar loo adeegsaday Bam gacmeed ayaa waxaa xalay lagu qaaday hooyga uu Magaalada Baraawe ee Caasimadda Maamulka Koonfur Galbeed ka degan yahay Guddoomiyihii hore ee degmadaasi Cumar Sheekh Cabdi Shafana.
Nin hubeysan ayaa weerarka Bambaano ku tuuray Albaabka hore ee guriga Cumar Shafana, xilli uu isaga uu ku sugnaa, waxaana goobta ka ag dhawaa qaar kamid ah ilaaladiisa oo jugta Bambada ka dib furay rasaas farabadan.
Guddoomiyihii hore ee Baraawe Cumar Sheekh Cabdi Shafana oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in weerarka lagu qaaday hooygiisa uusan geysan wax khasaaro ah, islamarkaana uu nabad qabo isaga iyo ilaalidiisa oo ku sugnaa Guriga xilligii uu weerarka dhacaayay.
Waxaa uu intaas kusii daray Cumar Shafana in laamaha amniga degmada ay ku raad-joogaan Ninkii ka dambeeyay weerarka xalay ka dhacay Magaalada Baraawe oo goobta si dhaqsi ah uga baxsaday, isagoona la sheegay inuu cararay.
Wararkii ugu dambeeyay ee saaka laga helayo Baraawe ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidanka dowladda Federaalka ay Magaalada ka wadaan howlgalo lagu xaqiijinayo amniga, islamarkaana waxaa degan xaaladda Magaalada.