Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:In ka badan 200 oo ah haweenka Guriceel oo laga burburiyay meelo...

DHAGEYSO:In ka badan 200 oo ah haweenka Guriceel oo laga burburiyay meelo ay ku ganacsanayeen

Ku dhawaad saddex boqol oo haween ah ayaa laga burburiyey miisaskii ay ku ganacsan jireen ka dib markii taliska booliiska saldhiga Guriceel oo ciidamo u gaar ah wata uu xalay tegay suuqa hilibka, qudaarta iyo caanaha ee degmada.
Dhisme ay hay’ad u sameeysay shacabka oo loogu tala galay in ay ku ganacsadaan ayaa xiran wax ka badan laba sano ka dib markii maamulka iyo dadku isku fahmi waayeen sida loo qaybshay dhulka suuqaas.
Dadka xalay laga burburiyey miisaska ayaa ku ganacsanayey hareeraha dhismaha suuqa maadaama uu suuqu ka xiran yahay.
Xaawo Gantaal oo ka mid ah haweenkan ayaa inoo sheegtay in dad cusub oo aad u badan miisas laga siiyay suuqa ayna jirto cadaalad daro weyn.

Maamulka oo ka gaabsaday in laga wareysto arrinkan ayaa laga soo xigtay in hawsha ay qabteen ay ahayd waddo furid balse u jeedka laga lahaa ay tahay in cadaadis la saaro haweenka diiddan sida xaqdaradaha ah ee ay sheegeen in lagu qaybshay suuqa la dhisay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments