Waxaa lagu soo warramayaa in dhul-gariir cabirkiisu yahay 6.1 uu aroornimadii hore ee maanta ku dhuftay gobol ku yaalla xadka ay wadagaan wadamada India iyo Myanmar.
Hasa ahaate lama soo tabin faahfaahin ku saabsan khasaaraha ka dhashay dhacdadaasi.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in musiibadan oo lagu tilmaamay mid xooggan sidoo kale laga dareemay magaala xeebeedka Chittagong ee dalka Bangladesh iyo deegaanka Kolkata oo ku yaalla bariga India.