Guddiga xallinta khilaafaadka doorashada oo farriin u diray dadka cabashooyinka qaba

0
278

Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashooyinka Soomaaliya ayaa ugu baaqay musharraxiinta Baarlamaanka federaalka golihiisa shacabka in wixii tabasha ah ay qabaan u soo gubiyaan guddigaasi.
Waxaa ay xuseen in guddigu uu ka jawaabayo eedeynta Midowga Musharraxiinta u soo jeediyeen guddiyada doorashada, taasoo ku saabsan in kuraasta golaha shacabka Soomaaliya la boobayo.
Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Xallinta khilaafaadka doorashooyinka dadban ee Soomaaliya Maxamad Ibraahim Barre oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa tilmaamay in musharrax kasta oo tabanayo cabasho ay u garnaqi doonaan oo aysan oggolaan doonin in muwaadin la duudsiiyo xaquuqdiisa dastuuriga ee aas-aasiga ah ee ku saabsan inuu wax doorto ama isaga la doorto.
Warka ka soo baxay guddiga xallinta khilaafaadka Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay Musharrax kasta ka codsanayaan in cabashadiisa ay toos u soo gaarsiiyaan guddiga aysana la aadin baraha bulshada sida ay hadalkooda u dhigeen.
Warkan kasoo yeeray Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashada Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli ay doorashooyinka socda kajirto cabasho aad u farabadan oo ay jeedinayaan qaar badan oo ka mid ah Xubnaha u hanqal taagayay kuraasta aqalka hoose ee Soomaaliya iyo beelaha kuraastaasi leh.