Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Howlgalo laga sameeyay buuraleyda Puntland

Howlgalo laga sameeyay buuraleyda Puntland

Ciidamada PSF-ta Maamulka Puntland ayaa lagu soo warramayaa inay howlgalo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab ka fuliyeen degaanada Muguc iyo Ceel Onkod ee buuraha Cal Madow ee Gobolka Bari.
Hawlgalka ayaa Saraakiisha hoggaamineysa waxaay sheegeen in ujeedkiisu yahay sidii loo soo afjari lahaa xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee miinooyinka ku aasa wadada isku xirta deegaanada Sugure, Balikhadar iyo buuraha Galgala ee gobolka Bari.
Saraakiisha Ciidamada Hogaaminaysa ayaa sheegay in Howlgalku intii uu socday ay ciidanka u suurta gashay inay gacanta ku soo dhigaan xubno lagu tuhmayo inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab kuwaasoo baaritaano la marin doono.
Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ciidanka Puntland ay sameeyeen ayaa sheegay inay sii wadi doonaan gulufka ka dhanka ah Kooxaha Al-Shabaab iyo daacish oo mararka qaar weeraro ka fuliya degaannada Maamulka Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments