Ugu yaraan 35 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen iskudhacyo xoolo dhaqato ku dhex maray gobolka Daarfuur ee dalka Suudaan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dab la qabadsiiyay in ka badan 1000 guri.
Isku duwaha gargaarka baniaadanimo ee gobolkaasi Cumar Cabdikariim ayaa sheegay in rabshaduhu ay soo billowdeen 17-kii bishan.
Dagaallada ayaa u dhexeya kooxo hubeysan waxaana gebi ahaan lagu baabi’yay 16 tuulo.