Waxgaradka Iyo Maamulka Deegaanka Dhagtuur oo qiyaastii 130 KM u jira magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa Ka Qayla Dhaamiyey Xaalad Biyo La Aan ah oo Ka Taagan Deegaanka Dhagtuur Ee Gobolka iyo deegaano kale oo hoos yimaada.
Deegaankaan ayaa waxaa horay uga hooray roob aan badnayn taaoso keentay in boqolaal qoysas ah ay ku soo guuraan kuwaasoo kadib markii doogii yaraa dhamaaday hada wajahaya xaalado dhanka nolosha ah oo abaartu sababtay.
Waxgaradka deegaanka oo warbaahinta la hadlay ayaa dowlada dhexe,tan maamulka Galmudug iyo guud cidkasta oo awooda waxay ka codsadeen inay gurmad la soo gaaraan.
Doorashooyin ay ku baxayaan kumaan dollar ayaa dalka Soomaaliya ka socda oo deegaanda Galmudug ay ka mid yihiin waxana dhanka kale jirin talaabooyin muuqdo oo maamulada iyo madaxda dowlada Soomaaliyeed qaadeen taasoo looga wajaabayo dhibaatooyinka abaaraha ku dhuftay deegaano badan oo wadanka ka mid waxayna u muuqataa in doorashooyinka iyo suxul duubka kuraasta looga mashquulay nolosho malaayiin Soomaali ah oo maalkii dhaafay ayaguna mowd qarka u saaran.