DHAGEYSO:Agaasimaha NISA oo ka mid noqday golaha shacabka Soomaaliya

0
222

Waxaa goordhow Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ka dhacday doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOPO67, kaasoo ay ku tartameen laba musharrax.
Kursigaan oo maalmihii la soo dhaafay ay ka taagneyd dood adag ayaa waxaa ku tartamay Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud Yaasiin fareey iyo Maxamed Cali Culusoow kadib markii tartanka ay isaga hareen Saddex musharrax oo tartanka ka qeyb geli lahaa, waxaana kursiga ku guuleystay Agaasimaha KMG ah ee Hay’adda NISA Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud ( Fareey)
Guddiga doorashooyinka Galmudug ayaa sheegay in Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud ( Fareey) uu helay 68 Cod halka Maxamed Cali Culusoow uu helay 20 Cod, waxaana halaabay 3 Cod.
Goordhow waxaa la guda galayaa doorashada kursiga labaad ee Maanta oo ah HOPO43, kaas oo uu horay ugu fadhiyo xildhibaan Xuseen Qaasim Iidow.
Yaasiin Fareey ayaa kadib markii uu ku soo baxay tartankii wuxuu u mahadceliyay dadkii doortay,gudiga doorashada iyo cidkasta oo doorashada qayb ka ahayd.