Qarax jugtiisa laga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka Dugsiga Sare ee Banaadir oo kuyaal inta u dhaxeysa Madaxtooyadii hore ee Cabdi qaasim iyo Isgoyska Tarabuunka.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa kaasoo la dhigay banaanka Dugsiga Sare ee Banaadir, wuxuuna geystay khasaare kala duwan sida ay warbaahinta gudaha Soomaaliya ku waramayso.
Dad Goobjoogayaal ah ayaa waxaay sheegeen in qaraxa ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen Ardayda Iskuulka Mucaasir oo goobta kuyaalla, Haweeneey wadada nadiifineysay iyo dad kale oo wadada marayay.
Sidoo kale waxaa jira burbur xoogan oo gaaray Gaadiidka Basaska ee Iskuulka mucaasir iyo dhismaha Iskuulka, sida ay muujinayeen sawiro laga soo qaaday goobta uu qaruxu ka dhacay.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowlada Soomaaliya ayaa gaaray aaga uuq aruxu ka dhacay waxayna xireen dhamaan Aaga uu qaraxa saameeyay, waxaana la filayaa in laamaha Amniga ee dowlada Soomaaliya ay faah faahin ka bixiyaan qaraxaas.