Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Golaha amaanka ee QM oo maanta ka shiraya xaaladda Soomaaliya

Golaha amaanka ee QM oo maanta ka shiraya xaaladda Soomaaliya

Waxaa maanta la filayaa in Golaha Ammaanka ee Jimciiyadda Qarumaha ka dhexaysa ay kulan aan caadi ahayn ka yeeshaan xaaladda Siyaasadda dalka Soomaaliya.
Kulankaan oo ay codsaday Boqortooyada Ingiriiska oo kamid ah 5-ta Dowladood ee Joogtada ka ah golahaasi.
Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya oo aan weli wax heshiis ah laga gaarin, iyadoo uu dhamaaday muddo xileedka Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo oo Soomaaliya soo hogaaminayay 4 sano ee la soo dhaafay, waxaana la filayaa inay mowqif adag ka qaatan Arrimaha hada ka taagan Soomaaliya.
Kulankaan oo noqon doono mid ay Albaabada u xiran yihiin ayaa Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxaay si weyn uga doodi doonaan xaaladaha siyaasadeed ee Soomaaliya iyo sida looga gudbi karo Marxalada uu dalku hada marayo.
Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Midoobay Stephane Dujarric ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay weli u muuqdaan fursado ay ku kulmi karaan hoggaamiyeyaasha Soomaalida si ay uga wada Shaqeeyaan dhisida dowlad Dastuuri ah oo loo dhan yahay.
QM waxay sheegtay in Wadahadalka dhammaan dhinacyada arrintaan khuseyso lama huraan ay yihiin ayna tahay in la helo heshiis cad oo ballaaran oo ku saabsan halka loo socdo iyo dhabbaha loo marayo dhismaha dowlada ayadoo aysan wax dhibato ah dalka ka dhicin.
Xilligaan Soomaaliya ayaa waxaa kajirta xaalad siyaasadeed oo aan hubaanti lahayn, waxaana hoggaamiyeyaasha Soomaalida aysan ku heshiin Arrimaha doorashooyinka dalka, iyadoo dhanka kalena Mucaaradka ay soo sarayaan hadalo qaarkood Xanaf leeyihiin dowladuna ay ka digtay in dalka Qalalaase la galiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments