Qaar ka mid ah kuraasta golaha shacabka oo maanta Muqdisho lagu dooranayo

0
297

Waxaa Maanta lagu wadaa in Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya lagu qabto doorashada 6 kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Gobollada Waqooyi.
Guddiga maamulaya doorashooyinka Gobollada Waqooyi ayaa shalay soo gaba-gabeeyay diiwaangelinta musharrixiinta kuraasta Golaha Shacabka ee Gobollada Waqooyi ee doorashadoodu qorshaysan tahay oo lix ah.
Musharrixiinta Golaha Shacabka ee Gobollada Waqooyi oo Maanta doorashadooda ka dhaceyso Muqdisho ayaa waxaa kamid ah Wasiirkii hore ee Warfaafinta Maxamad Cabdi Xayir Maareeye iyo Xubno kale.
Afhayeenka Guddiga doorashooyinka Heer federaal Axmad Safiino ayaa sheegay in 101 Ergo oo kamid ah Ergada doorashada ay dooranayaan min laba ilaa Saddex kursi taasina ay fududeyneyso in kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Gobollada Waqooyi ee Soomaaliland si degdeg ah loo soo gaba-gabeeyay.
Sidoo kale wuxuu sheegay in maalmaha soo socda degaannada maamul Goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed ay doorashada ka bilaaban doonto, wuxuuna ugu baaqay Maamullada kale inay dedejiyaan doorashada Golaha Shacabka.
Ugu dambeyn Afhayeenka waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in 24-ta Bisha 12-aad la soo gaba-gabeeyo doorashada Golaha Shacabka.
1-dii Bishaan ayaa waxaa Magaalada Muqdisho lagu qabtay doorashada labadii kursi ee ugu horreeyay Golaha Shacabka kuwaasoo deegaan doorashadoodu tahay Gobollada Waqooyi, waxaana la filayaa in dhawaan doorashada ka bilaabato maamullada kale ee ka jira dalkaasi.
Dhanka kale qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Iyo xubno Ka mid ah Musharraxiinta u taagan Kursiga Hope 233 ayaa Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed Ku eedeeyey inuu Faragelin Ku hayo ergada kursigooda dooranaysa.