laamaha Amniga Gobolka ay Puntland Karkaar u taqaano ayaa faah faahin ka bixiyay Haweeneey Maanta Seygeeda ku dishay Guri kuyaala Xaafada Kaambo ee Magaalada Qardho
Haweeneyda oo u heysay Afar Carruur ah ayaa Ninkeeda oo lagu Magacaabi jiray Aweys Cabdi Nuur oo 35 jir ahaa la sheegay inat tooreey qoorta kaga dhufatay, waxaana dhaawac culus oo soo gaaray uu ugu geeriyooday Isbitaalka Magaalada Qardho.
Taliyaha Booliska Gobolka Karkaar ayaa sheegay in dilkaan uu salka ku haayo arrimo la xiriira masayr ama hinaaso, isla markaana Haweeneyda oo lagu Magacaabo Farxiyo Cismaan Maxamed ay hada kujirto gacanta Ciidamada Booliska.
Wuxuu intaasi ku daray taliyaha in Bulshada Magaalada Qardho iyo Ciidamada oo iskaashaday ay suurtagashay in haweeneyda dilka geysatay ay qabtaan, wuxuuna Bulshada ka codsaday inay Ciidamada marwalba la Shaqeeyaan.