Ra’iisul wasaaraha Suudan ee dib loo soo celiyay oo ballanqaad sameeyay

0
314

Ra’iisul wasaaraha wadanka Suudaan ee dhawaan dib loogu soo celiyay xilkiisa Cabdalla Xamdok ayaa ballanqaaday in uu soo saari doono dowlad ku dhisan dad khabiiriin ah ama aqoonyahaniin ah.
Waxaa uu sheegay in dowladda cusub ay dalka Suudaan ku hoggaamin doono waddada dimuqraadiyadda, ku dhawaad bil ka dib afgambi militari ee ka dhacay wadankaasi.
Waxaa uu intaa ku daray in dowladda cusub ay madax bannaanaan doonto.
Mr. Xamduuk ayaa lagu soo celiyey heshiis dhex-maray xisbiyada siyaasadda iyo militariga haya talada dalkaas ku dhowaad bil kadib markii xilka laga tuuray xukuumaddiisa.
Tani ayaa soo celinaysa maamulkii rayidka iyadoo sidoo kale lagu heshiiyay in xabsiyada laga siidaayo hoggaamiyaashii siyaasadeed ee la xiray.
Inta badan shacabka iyo siyaasiyiinta dalka Suudan ayaa soo dhaweeyay, dib u soo celinta ra’iisul wasaare Cabdalla Xamduuk.