IGAD oo soo dhaweysay heshiis lagu gaaray Suudaan

0
307

Urur goboleedka IGAD ayaa bayaan uu soo saaray oo nuqul ka mid ah uu soo gaaray warqabadka Star FM ku soo dhaweysay heshiiskii shalay ay gaareen militariga Suudaan, xisbiyada siyaasadeed iyo ururrada bulshada.
Waxaa heshiiska uu dhigaya in dib loo soo celiyo ra’iisul wasaarihii bishii hore xilka laga faramaroojiyay Cabdalla Xamdook.
Tani ayaa soo celinaysa maamulkii rayidka iyadoo sidoo kale lagu heshiiyay in xabsiyada laga siidaayo hoggaamiyaashii siyaasadeed ee la xiray.
IGAD ayaa heshiiskan ku ammaantay cid kasta oo ka qayb qaadatay iyo si guud shacabka Suudaan.
Waxay rajo wanaagsan ka muujisay inuu horseedi doono in la soo dhiso maamul loo dhan yahay.