Ciidanka Booliska ka howlagala aaga gabiley ee Soomaaliland ayaa soo bandhigay Maandooriyaha Khamriga oo laga soo qabtay degmada Allay-Baday oo Gabiley ka tirsan.
Howlgal ay Ciidanku ka sameeyeen Xaafado ka tirsan degmada Allay-Baday ayay kusoo qabteen dhowr Kartoon oo khamri ah iyo dad ka Ganacsanayay, sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidamada Booliska Soomaaliland.
Taliyaha Ciidamada Booliska Gibiley ayaa sheegay in howlgalkaan uu qeyb ka yahay midka ay kula dagaalayaan maandooriyaha khamriga & dadka ka Ganacsanaya, isla markaana dhawaan goob fagaaro ah ay ku burburin doonaan.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in dad loo soo qabtay inay ka Ganacsanayeen Khamriga ay ku wareejiyeen Maxkamadda Gobolka Gibileey si dacwado loogu soo oogo, islamarkaana howlgallada la dagaalanka maandooriyaha ay sii wadi doonaan.
Shacabka ayay ugu baaqeen inay ka waantoobaan falalkaan xun xun haddii kale ciidamadu ay tallaabo ka qaadayaan ayna la socdaan in gawaarida Khudaarta lagu qaado khamriga lagu soo qariyo.
Soomaaliland ayaa waxaay kamid tahay maamullada sida weyn ula dagaalama Maandooriyaha, waxaana dhowr jeer loo xukumay dad ka Ganacsanayay, halka goob fagaaro ah lagu burburoyay khamri farabadan oo ciidamada amaanku gacanta ku soo dhigeen.