Dad gaajo iyo haraad ugu dhintay gobolka Gedo

0
315

Sida ay baahisay warbaahinta gudaha dalka Soomaaliya Inta la xaqiijiyay ilaa Saddex Ruux ayaa saacadihii la soo dhaafay waxay gaajo iyo oon ugu geeriyoodeen degaanno hoostaga degmada Luuq ee Gobolka Gedo, dadkaas oo kasoo barakacay degaannadooda.
Guddoomiyaha degmada Luuq ee Gobolka Gedo Cali Kediye Axmad ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in Saddexda Ruux ee geeriyootay laba kamid ah ahaayeen Carruur, kuwaasoo uu sheegay inay geeriyoodeen xilli ay kusoo wajahnaayeen degmada luuq.
Waxaa uu tilmaamay in degmada Luuq ee Gobolka Gedo ay ku sugan yihiin Boqolaal qoysas ah oo kasoo barakacay abaar kajirta degaannada, Golweyn, Yurkud iyo kuwo ka yimid degaannada u dhaxeeya Garbahaareey iyo Luuq ee isla Gobolkaasi Gedo.
Waxaa uu intaasi ku daray inay qeylo dhaan u direen Hay’adaha samafalka, dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland, balse ilaa iyo hadda aysan helin wax jawaab ah, wuxuuna markale ugu baaqay Madaxda dowladda in loo soo gurmado dadka ay abaartu saameeysay.
Dadka ku nool degaanno iyo degmooyin kuyaal Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa saameeysay abaar ka jirta deegaanno badan oo wadanka ka tirsan, iyadoo meelaha qaar gurmad la gaarsiiyay halka degaannada qaar dadkii deganaa ay ka barakaceen.