Cabdiraxmaan Cabdishakuur “Farmaajo wuxuu maanta madaxtooyada ugu jiro waa inqilaab”

0
701

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah Musharax u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay muddo xileedka dhammaaday ee Madaxweyne Maxamad Cabdullaahi Farmaajo oo Maanta ku eg 8-da bishaan Labaad ee 2021-ka.
C/raxmaan C/Shakuur oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Farmaajo uu ku fashilmay in dalka uu ka qabto doorasho wakhtigeeda ku dhacda, islamarkaana heshiis la gaari waayay Madaxda dowlad Goboleedyada, xili laga sugayay inuu heshiis Madaxda kala gaaro doorashada.
Waxaa uu ku eedeeyay MD Farmaajo inuu doonayo muddo kororsi uu sameeyo, ka dib markii uu dhammaaday muddo xileedkiisa, hayeeshee taas marnaba aysan aqbali doonin Musharaxiinta, uuna qaadayo Mas’uuliyadda wax kasta oo tallaabadaas ka yimaada.
Isaga oo sii hadlaayay C/raxmaan C/Shakuur ayaa waxaa uu tilmaamay in wixii Maanta ka dambeeya kursiga Farmaajo ugu fadhiyo uu yahay Inqilaab, wuxuuna Ciidanka dowladda Federaalka uga digay in loo adeegsado danno siyaasadeed.
Sidoo kale waxaa uu Beesha Caalamka ugu baaqay in aysan wakhti kale ku lumin Madaxweyniha wakhtigiisu dhammaaday ee Farmaajo, isla markaana aysan xilligaan aqbaleynin in kursiga lagu sii haayo Madaxweyne fashilmay, waa sida uu yiri.
Si kastaba Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xalay shaaciyay in Farmaajo aysan u aqoonsaneyn Madaxweynaha dowladda Federaalka, islamarkaana uu dhammaaday muddo xileedkiisa dastuuriga ahayd ee afarta sanno.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here