Wasiirkii arrimaha dibadda Soomaaliya oo xilkii laga qaaday

0
398

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamad Xuseen Rooble ayaa xilka ka qaaday wasiirkii arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamad Cabdirisaaq, waxaana wasiirka cusub ee wasaaradda arrimaha dibadda loo magacaabay Cabdisaciid Muuse Cali halka wasiir ku xigeenka wasaaradda loo magacaabay Maxamuud Cabdi Xasan (Pekos).
Halka Ra’iisul Wasaaraha oo isku beddelay Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dhirta, Maxamad Aadan Macallin iyo Daaqa, iyo Wasiirka Howlaha Guud Guriyeynta iyo Dib u dhiska, Xuseen Maxamad Sheekh Xuseen, sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.