Mid ka mid ah Senetaradii dhawaan la doortay ee Soomaaliya oo iscasilay

0
377

Senator Yuusuf Geelle Ugaas (Dhageey) oo ka tirsanaa xubnihii aqalka sare ee Soomaaliya oo dhawaan lagu doortay magaalada dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmydyf ayaa ka tagay kursigii Aqalka Sare ee dhowaan dib loogu doortay afartii sano ee la soo dhaafayna uu ku dhafiyay isagoo doorbiday inuu u tartamo golaha shacabka ee baarlamaanka fedraalka Soomaaliya uuna guurtida isaga guuro.
Warqad uu u diray madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabid Kaariye Qoor Qoor oo ku taariikhaysnayd 15-kii Bishaan ayuu sababta uu kursiga aqalka sare isaga casilay ku sheegay inuu doonayo in reerka uu ku matalo Baarlamaanka Soomaaliya uu ka dhex sameeyo waxa uu ku tilmaamay siyaasad caafimaad qabta.
Wararka ayaa sheegaya in Yuusuf Geelle Ugaas uu doonayo inuu u wareego Golaha Shacabka ee baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya, isla markaana uu wado qorsho uu ku hanan karo kursiga ay Beeshiisa ku leedahay Golaha Shacabka.
Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa xalay ku dhawaaqay in doorashada golaha shacabka uu Maamulkiisu ku qaban doono sida ugu dhaqsiyaha badan shanta Kursi ee ugu horaysanay ay qabanayaan muddo Saddex Cisho gudahood ah.