Jadwalka doorashada Soomaaliya oo dib u dhac kale ku yimid

0
452

Waxaa maanta dib u dhaca uu ku yimid jadwalka doorashada golaha shacabka Soomaaliy oo ay horay u shaaciyeen guddiga doorashooyinka heer Federaal, kaasoo qorshuhu ahaa inay maanta dhammaan deegaanada maamul goboleedyada ka bilaabato qabashada doorashada golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Dib u dhacan ayaa ku soo aadayo ayadoo xilligan aysan socon tillaabooyin lagu qabanayo doorashada golaha shacabka, marka laga reebo 9 kursi oo guddiga soomaaliland ay soo saareen doorashadiisa, islamarkaana ay horay u qabteen doorashada laba kursi oo ka mid ah golaha shacabka.
Sidoo kale ma jiraan dadaallo muuqda oo ay wadaan madaxda maamul goboleedyada, kuwaasoo ku aadan in si degdeg ah loo qabto doorashada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, sida ay sheegeen dadka falanqeeya arrimaha siyaasada Soomaaliya.
Dhawaan guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in Jadwalka doorashada ee golaha shacabka lasoo gabagabeyn doono 24-ka bisha soo socota.
Lama oga sida ay ku qabsoomi doonto doorashada golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Beesha caalamka ayaana ka digaysa in doorashooyinka golaha shacabka ay dib u dhacdo, taasoo khal khal gelin karta howlaha amniga iyo u gargaaridda dadka tabaalaysan, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaliya.