Xaaladda bini’aadanimo ee Soomaaliya oo laga dayrinaya

0
405

Qaramada Midoobay ayaa saadaalinaysa inay kordhi doonaan dadka kaalmada u baahan Soomaaliya sanadka soo socda ee 2022-ka, xilli abaarro darab laga soo werinayo qaybo ka tirsan gobollada Koonfurta, kuwa bartamaha iyo qaybo ka tirsan gobollada Waqooyi Bari.
Kooxda la socodka cimillada ayaa sheegaysa in roobbabka dayrta ee la filayay bilahan hadda lagu jiro aanay illaa hadda si wanaagsan u da’in taasoo uga sii daraysa abaarta ka taagan deegaannada qaar.
Tirada dadka u baahan kaalmada ayaa gaari doonta bisha Shanaad ee sanadka soo socda 7.7 milyan oo qof halka ay hadda ka tahay 5.9 milyan oo qof sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay.